OpenAI Foundation

Waxyaabaha kasoo kordhay OpenAI Foundation

Qoraal uu bixiyey Bret Taylor, Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee OpenAI Foundation

Waxaa qoray Bret Taylor

Dayrtii hore, OpenAI waxay ku dhawaaqday dib-u-qaabeynta raasamaalkeeda, taas oo waddada u xaartay in OpenAI Foundation ay hesho ilo-xog ogaal ah oo muhiim ah. Maanta, waxaan soo bandhigaynaa sida Foundation ay u bilaabayso in ay taageeradaasi dardargeliso . 

Hadafkeena

Hadafkeennu waa inaan xaqiijinno in caqliga macmalka guud uu faa’iido u yeesho dhammaan aadanaha. Tani waa dadaal dhinacyo badan leh. 

AI-gu durba wuxuu beddelayaa sida dadku u shaqeeyaan, u bartaan, una helaan daryeel. Waxay leedahay awood ay ku daahfurto faa’iidooyin aan caadi ahayn—horumarro caafimaad oo dhakhso leh, dardargelinta wax oggaanshaha cilmiyeed, adeegyo shakhsiyeed oo rasmi ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, qalab cusub oo loogu talagalay hal-abuurka iyo ikhtiraaca, wax-soo-saar sarreeya iyo koboca dhaqaale, adeegyada dadweynaha oo la hagaajiyey sida nidaamyada gaadiidka, iyo wax badan oo kale. Rumeeysnaanteenna ku aaddan suurtagalnimadan ayaa hagaysay OpenAI tan iyo markii la aasaasay.

Laakiin dhisidda nidaamyo awood leh si ay faa’iido ugu yeeshaan aadanaha waa keliya qayb ka mid ah shaqada hadafkeenna. Moodellada AI-ga horumarsan sidoo kale waxay soo bandhigi doonaan caqabado cusub oo durba soo ifbaxaya, waxaana loo baahan yahay inaan u diyaarsanaano inaan aqoonsanno caqabadahan oo aan horumarinnaa xalal wax looga qabanayo. 

Kuwani waa labada asbaabo ee loo aasaasay Foundation iney qabato. Waxaan hiigsaneynaa inaan suurtagelinno adeegsiga AI si xal rasmi ah loogu helo dhibaatooyinka ugu adag ee ay wajahaan bini’aadamka, loo beddelo waxa dadku awoodaan inay qabtaan, loona gaarsiiyo faa’iidooyin dhab ah nolosha dadka—annagoo si adag ula shaqaynayna shuraakada si aan ugu diyaargarowno caqabado cusub, isla markaana aan gacan uga geysanno in bulshada laga dhigo mid adkaysi leh, inta ay AI ay sii horumareyso.    

Shaqadani hadda uun bay bilaabanaysaa. Sannadka soo socda, inta aan si dhakhso ah u ballaarinayno, Foundation waxeey fileysaa iney ku maalgeliso ugu yaraan $1 bilyan qaybaha cilmiga nolosha iyo daaweynta cudurrada, shaqooyinka iyo saamaynta dhaqaale, adkaysiga AI-ga, iyo barnaamijyada bulshada. Tan waxaa qayb ka ah maalgelinno bilow ah oo lagu taageerayo ballanqaadkeennii hore loo shaaciyay ee dhannaa $25 bilyan, kaas oo ku lagu bixinayo daaweynta cudurrada iyo adkaysiga AI-ga.

Bilaha soo socda, waxaan wadaagi doonaa warbixinno ku saabsan mid kasta oo ka mid ah dhinacyadan, inta aan dhiseyno, baraneyno, oo hagaajineyno habkayaga, isla markaana aan ku horumarineyno himiladeenna deeqo iyo barnaamijyo cusub.

Cilmiga Nolosha & Daaweynta Cudurrada1

Waxaan ku bilaabaynaa Cilmiga Nolosha iyo Daaweynta Cudurrada, halkaas oo aan aaminsanahay in AI ay ka leedahay awood weyn oo lagu dedejinayo horumarka sayniska iyo caafimaadka si loo badbaadiyo loona wanaajiyo nolosha. Waxaan durba aragnaa calaamado badan oo horudhac ah oo muujinaya awoodaha AI-ga ee dhinacyadan. Cilmi-baarayaashu waxay adeegsanayaan AI si ay si fiican u fahmaan cudurrada, u sahamiyaan habab cusub oo looga hortago laguna daweeyo, isla markaana fikradaha si dhakhso leh uga soo wareejiyaan shaybaarka una gaarsiiyaan bukaannada.

Ka Foundation ahaan, waxaan aqoonsannay saddex meelood oo bilow ah oo diiradda la saarayo, kuwaas oo aan u aragno in shaqadani ay isbeddel dhab ah ka keeni karto:

  • AI-ga loogu talagalay cudurka Alzheimer: Cudurka Alzheimer waa mid ka mid ah cudurrada ugu adag uguna qalbi-jabka badan ee qoysasku wajahaan – waana mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu adag ee cilmiga caafimaadka. Awoodda AI-ga ee uu sababayn uga samayn karo xog adag waxay cilmi-baarayaasha ka caawin kartaa inay helaan aragtiyo cusub. Waxaan iskaashi la yeelan doonnaa hay’adaha cilmi-baarista hormuudka ah, iyadoo diiradda koowaad la saarayo khariidaynta waddooyinka cudurrada, ogaanshaha calaamadaha bayooloji ee daryeelka caafimaad iyo tijaabooyinka caafimaad, iyo dardargelinta shakhsiyeynta daaweynta – oo ay ku jirto, halka ay suurtagal tahay, dib-u-adeegsiga atom kooxeedyada yaryar ee ay FDA ansixisay.

  • Xogta Dadweynaha ee loogu talagalay Caafimaadka: Horumarrada ugu waaweyn ee cilmiga caafimaadka waxaa suurto galiyay xog saynis oo la wadaagay, helitaanka dadweynaha ee xogtuna waa muhiim si loo xaqiijiyo ballanqaadka AI ee ku aadan horumarka sayniska. Waxaan ka caawin doonaa la-hawlgalayaasha inay abuuraan oo ballaariyaan xog-ururinno furan oo tayo sare leh – iyo, halka ay ku habboon tahay, inaan si mas’uuliyad leh u furno kuwii hore u xirnaa – si cilmi-baarayaasha meel kasta jooga ay uga faa’iidaystaan AI oo ay xogta ugu adeegsadaan horumarinta daaweynta cudurrada kala duwan.

  • Dardargelinta Horumarka Cudurrada Dhimashada Sare iyo Culayska Sare leh: Waxaan aaminsanahay in AI ay door weyn ka qaadan karto horumarro cilmiyeed oo muhiim ah, isla markaana ay dhimayso kharashka iyo khataraha ku xeeran horumarinta ama dib-u-habaynta daaweynta, gaar ahaan cudurrada dhimashada sare iyo culayska sare leh ee aan si fiican loo maalgelin. Waxaan isu keeni doonaa cilmi-baarayaasha AI iyo khubarada cudurrada, annagoo ku bilaabayna aqoon-is-weydaarsi diiradda saaraya si loo aqoonsado sida ugu wanaagsan ee saynisyahannada loogu awood-siiyo qalabka AI-ga loona soo bandhigo fursado rajo leh.

Jacob Trefethen ayaa hoggaamin doona shaqadan isagoo ah Madaxa Cilmiga Nolosha iyo Daaweynta Cudurrada. Wuxuu uga soo biirayaa Coefficient Giving, halkaas oo uu kormeeray in ka badan $500 milyan oo deeq-bixin ah oo loogu talagalay sayniska iyo caafimaadka.

Shaqooyinka iyo Saameynta Dhaqaale 

AI-du waxay beddeli doontaa qaabka shaqada iyo dhaqaalaha—taasoo keeni doonta caqabado iyo fursado labadaba. Waxaan u aqoonsannahay in tani aad iyo aad muhiim u tahay. Foundation waxay bilowday inay la shaqayso khubaro iyo —bulshada rayidka ah, milkiilayaasha ganacsiyada yaryar, ururrada shaqaalaha, taajiriinta hormuudka ah, siyaasad-dejiyayaasha, iyo kuwo kale—si loo horumariyo loona maalgeliyo xalal wax ku ool ah oo ku saabsan arrintan. Waxaan damacsannahay inaan ilo-xogeedyo ballaaran gelinno hababka ugu rajo badan, waxaana macluumaad dheeraad ah idin la wadaagi doonnaa toddobaadyada soo socda.

Adkaysiga AI-ga

Sida hore loogu dhawaaqay, Adkaysiga AI-ga sidoo kale waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah barnaamijyadayada aasaasiga ah. Shaqadani waxay xoogga saaraysaa caqabadaha cusub ee si dabiici ah uga dhasha AI-da sii awoodaysanaysa, si dadka ay si buuxda uga faa’iideystaan AI habab xoojinaya isla markaana ballaarinaya awoodda aadanaha, hal-abuurka, iyo fursadaha nololeed.

Waxaan marka hore diiradda saari doonaa dhowr meelood oo walaacyada ku saabsan saameyntu ay horeba uga muuqdaan, iyo meelaha aan u maleyneyno in hawsha bilowga ahi ay keeni karto isbeddel dhab ah:

  • Saamaynta AI ku leedahay Carruurta & Dhallinyarada: Waxaan rabnaa inaan gacan ka geysanno xaqiijinta in qalabyada AI ay ammaan u yihiin dadka da’da yar oo ay taageeraan korriin caafimaad leh. Taas waxaa ka mid ah maalgelinta cilmi-baaris iyo qiimayn ku salaysan xog, iyo ka shaqaynta guud ahaan qaybaha kala duwan si looga caawiyo aqoonsiga tallaabooyinka ilaalinta ee saxda ah kuwaas oo gacan ka geysta xaqiijinta isdhexgal ammaan ah oo faa’iido leh oo u dhexeeya AI-ga iyo carruurta iyo dhallinyarada.

  • Amniga noolaha ee khataraha bayooliji: Waxaan dooneynaa inaan xoojino sida bulshadu ugu diyaargarowdo khataraha bayoolojiga ee suurtagalka ah—kuwaas oo ah dillaacyo si dabiici ah u dhaca iyo kuwo AI-gu awoodsiiyo. Taas waxaa ka mid ah wanaajinta ogaanshaha, ka hortagga, iyo yareynta. 

  • Badqabka Moodalka AI-ga: Waxaan rabnaa in sistamyada AI ay si caadiyan ah u noqdaan kuwo ammaan badan. Taasi waxay ka dhigan tahay taageeridda tijaabinta iyo qiimeynta madax-bannaan, horumarinta heerar warshadeed oo cusub oo ka xooggan badan sidii hore, iyo maalgelinta cilmi-baaris aasaasi ah oo gacan ka geysata in laga fogaado arrimaha badbaadada ama in goor hore la ogaado oo waxna laga qabto.

Wojciech Zaremba, oo qayb ka ah aasaasiyaasha OpenAI, ayaa Foundation ugu soo biiraya isagoo noqonaya Madaxa Adkeysiga AI-ga si uu u hoggaamiyo shaqadan.

Taageeridda bulshooyinka

Waxaan dhowaan ku dhawaaqi doonnaa wajigii ugu dambeeyay ee deeqaha ka imanaya Sanduuqa AI-ga ee Dadka Mudnaanta Siiya ee bilowga ahaa, annagoo sidoo kale bixin doona faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa xigi doona.

Iyada oo loo marayo shaqadan—oo lagu bilaabay talo-soo-jeedinta Guddigayaga aan Faa’iido Doonka Ahayn—waxaan aragnay in ururrada bulshada ku salaysan ay si gaar ah ugu habboon yihiin inay dadka ka caawiyaan inay maareeyaan isbeddelka ay AI-du waddo. Kooxahan aadka loogu kalsoon yahay ayaa ugu dhow bulshooyinka ay u adeegaan, waxayna hormuud ka yihiin shaqo muhiim ah oo bulshada dhexdeeda ka socota.

Waxaan sii wadi doonnaa maalgelinta hindisayaasha taageera bulshooyinka, iyadoo diiradda la saarayo ka caawinta dadka inay fahmaan AI-ga, ka faa’iidaystaan awoodihiisa, isla markaana la qabsadaan isbeddellada uu keeno.

Dhisidda kooxdayada

Marka lagu daro Wojciech iyo Jacob, waxaan dhiseynaa koox si aan shaqadeenna ugu horumarino si ballaaran.

Bartamaha Abriil, Anna Makanju waxay ku soo biiri doontaa iyadoo noqoneysa Madaxa AI-da ee Bulshada Rayidka ah iyo Samafalka, si ay u hoggaamiso shaqada Foundation ee ka faa’iidaysiga AI-da si looga caawiyo hay’adaha aan macaash doonka ahayn, hay’adaha aan dawliga ahayn, hay’adaha samafalka, iyo nidaam shabakadeedka ballaaran ee bulshada rayidka ah inay dardargeliyaan oo ballaariyaan saameyntooda. Anna waxay horey uga soo noqotay Madaxweyne Ku-xigeenka Saameynta Caalamiga ee OpenAI. Waxaan rajaynaynaa inaan wax badan ka wadaagno shaqadan toddobaadyada soo socda.

Robert Kaiden wuxuu ku soo biirayaa hawlwadeenadeena isagoo noqonaya Madaxa Sare ee Maaliyadda. Robert wuxuu hore uga soo qabtay xilal hoggaamineed oo sare Deloitte, Twitter, iyo Inspirato. Wuxuu gacan ka geysan doonaa hubinta in Foundation ku shaqayso xisaab maaliyadeed adag inta aan sii kobceyno.

Jeff Arnold wuxuu ku soo biirayaa hawlwadeenadeena isagoo noqonaya Agaasimaha Hawlgallada. Jeff wuxuu ahaa xubin hore oo ka tirsan OpenAI. Wuxuu xirfaddiisa ku qaatay dhisidda iyo ballaarinta shirkado, oo ay ku jiraan xilal hoggaamineed oo uu ka soo qabtay Oracle iyo Dropbox. Wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda sistamyada hawlan ee loo baahan yahay si loo taageero yoolalka Foundation. 

Guddiga Foundation wuxuu sidoo kale raadinayaa Agaasimaha Fulinta. Waxaan sii wadi doonnaa inaan kooxda ku soo darno xubno bilaha soo socda.

Waxa xigi doona

Waxaan weli ku jirnaa bilowga waxa ay AI suurto gelin karto.

Fursadda—iyo mas'uuliyaddu—waa in la hubiyo in tignoolajiyadahan ay dadka u horseedaan horumar dhab ah. Waxaan si degdeg ah wax u baran doonnaa, si dhow ula shaqayn doonnaa la-hawlgalayaasha, waxaanan maalgelin doonnaa xalal la ballaadhin karo oo isbeddel keeni kara.

Hadafkeennu waa inaan ka caawinno dad badan inay xalliyaan dhibaatooyinka ugu adag, si ka wanaagsan u daryeelaan dadka ay jecel yihiin, oo ay dhistaan nolol qancisa oo aan markii hore la gaari karin.

Waxaan ku faraxsanahay shaqada ina hortaalla, waxaana bilaha soo socda wadaagi doonnaa wax badan.

Qoraallada hoose

  1. 1

    Barnaamijkan, oo horey la dhihi jiray Health & Curing Disease, waxaa loo beddelay Life Science si uu u soo shaac bixiyo halkudhegga Foundation ee ku aaddan sarre u qaadista cilmi baaarista bayoolojiga iyo caafimaadka, kuwaas oo udub-dhexaad u ah la tacaalista cudurrada.